Qarax ka dhacay irridda madaxtooyada

Image caption Ciidamada AU ee AMISOM

Qof la rumaysan yahay in uu ismiidaaminayey ayaa isku qarxiyey irridda hore ee madaxtooyaa Somalia, ka dib markii ciidamada AMISOM ay toogteen, intii aanu ninkaasi wada fulin qorshihii uu ku soo talagalay

Sida laga soo xigtey odhaah kooban oo ka soo baday dhinac madaxtooyada, nin ku hubaysan qori AK ah iyo bamb-gacmeed, sittana lebbiska milateriga, ayaa isku deyey iuu si qarsoodi ah u soo galay madaxtooyada, waqti fiidnnimo ah.

Hasse ahaatee waxa isla markiiba ku baraarugey ciidamada nabadgelyada iyo kuwa AMISOM ee ilaaliya madaxtoyada, waxayna isla goobtii ku toogteen qofkii hubaysnaa.

Odhaahdu waxay intaasi k daray in ninkaasi uu markii hore isku deyey inuu ku soo daba dhuunto baabuur ciidamada ilaaladu ay watteen oo soo gelayay madaxtooyada, hase ahaatee in la diley ka hor intii aanu gudaha u soo gudbin.

Wakaaladaha waraku waxay sheegeen in ninkaasi bambadii gacanta uu sitey ku tuuray baabuurtii ciidamada, ka dibna uu isagu isqarxiyey, sida uu sheegay afhayeenka booliiska u hadlay.

Ilaa iyo hadda lama sheegin cid kale oo ku dhimatay qaraxaasi, waxase wakaalaah qaar ay sheegayaan in dhaawac fudud oo finiinno ahi uu soo gaadhay laba askari oo ka tirsan ciidamadii ilaalada.

Falkani waxa sheegtay ururka Xisbul-Islaam, waxayna ku hanjabeen inay soo socdaan hawlgallo kale oo fara badan oo noocani ah.

Ma aha marki ugu horraysey ee qaraxyo iy ismiidaami noocan ah lagula kaco bartilmaameedyada dawladda, kuwa ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, iyo goobo rayid ah intaba. Dhammaantoodna waxa hore u sheegtay ururka al_Shabaab.

Dhawr toddbaad ka hor, waxa jirey weerarro dhicisoobey oo la isku deyey in lagu qarxiyo gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdishu, hasse ahaatee ay ku dhinteen askar ka tirsan AMISOM yo dad rayid ah. Waxa kale oo dhawaan la sheegay iuu jirey weerar kale o la isku deyey in lau qaado dekedda Muqdishu.