Ban Ki-moon oo shir u qabanaya Soomaliya maanta

Golaha amaanka ee qaramada midoobay
Image caption Golaha amaanka ee qaramada midoobay

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban Ki- Moon ayaa ku qaban doona shir magaalada New York maanta, si looga hadlo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya .

Dhibaatooyinka ayaa ka sii daray toddobaadkan markii uu is casilay Raiisal Wasaare Cumar Cabdirashiid, taasoowax u sii dhibtay dowladda tabarteeda oo awal aad u yarayd.

Madaxweynaha ayaa ku doodaya in iscasilaada RaiisalWasaaraha ay daawaynayso kala qaybsanaanta dowladda.

Laakiin Diplomaasiyiinta ayaa sheegaya inay dhib tahay sidii ay dowladda ay milatari ahaan ula dagaalami lahayd Al-Shabaab, sidii loo hirgalin lahaa dastuurka cusub, iyo sidii loo qaban qaabin lahaa doorasho markii dowladda oo waqtigeeda uu ku eh yahay sanadka danbe bartamihiisa.