Shir looga hadlayo xaaladda Soomaaliya

Shirka ICG
Image caption Shirka ICG waxa uu ka furmay maanta magaalada Madrid

Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG) ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa maanta shir uga furmay magaalada Madrid ee waddanka Spain.

Shirka ayaa waxa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalaya shirka.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, oo ka mid ah masuuliyiinta ka qeybgalaysa ayaa soo saaray baaq ku wajahan furitaanka shirka.

Augustine P. Mahiga, waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah isagoo ku soo beegmay xilli ay tahay buu yiri in la gaaro go'aamo dhaxagal ah, muddo sanad ka yar oo dowladda KMG ah u harsan.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in ay taageero ku siinayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay ku kalsoon yihiin in dowladdu ay diiradda saari doonto waxa looga baahan yahay inta wakhtiga uga dhiman.

Augustine P. Mahiga, waxa uu sheegay in dowladda KMG ah kadib marka wakhtigeedu dhamaado ay suuragal noqoto in la helo qaab dhismeed siyaasadeed oo cusub oo laga wada muuqdo.