Abaalmarinta nabadda oo la siiyay nin xabsi ku jira

Liu Xiaobo
Image caption Liu Xiaobo, waxa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah

Guddiga abaalmarinta Nobel ayaa waxa uu abaalmarinta nabadda ee sanadkan siiyay Liu Xiaobo oo ku xiran waddanka Shiinaha.

Guddiga Norway ee Nobel-ka ayaa waxa ay sheegeen inay go'aansadeen inay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize ee sanadka 2010 ay siiyaan, Liu Xiaobo, taasi oo lagu abaalmarinayo sida uu guddigu sheegay halgankiisii aan dhibaatada wadan ee uu u galay xuquuqda aasaasiga ah ee bini'aadamka ee uu ka sameeyay dalka Shiinaha.

Liu Xiaobo, ayaa waxaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah bishii December ee sanadkii hore, kadib markii uu daabacay axdi ku baaqaya in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Shiinaha.

Weriyaha BBC ee magaalada Beijing ayaa sheegaya in dowladda Shiinuhu ay uga digtay gudiga Nobel-ka bixiya in aanay abaalmarin nabadeed siin Mr Liu.