Geerida Abwaan Abshir Bacadle

Abwaan Abshir Bacadle
Image caption Abwaan Abshir Bacadle

Allaha u naxaristee waxa magaalada Muqdishu lagu aasay Abwaan Abshir Nuur Faarax Weheliye oo ku magac-dheeraa Abshir-bacadle. Waxa uu caan ku ahaa suugaanta gabayada iyo shiribka. Waxa kale oo uu gacan ka geysan jirey hawlaha samafalka.

Abwaan Abshir-Bacadle, waxa la sheegay in uu dhashay sanaddii 1949, waxanu ku dhashay degaannada u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Hobyo. Laakiin waxa uu ku barbabaaray degaanka Mustaxiil oo hooyadii ula qaxday, ka dib markii aabbihii lagu diley dagaalloo sokeeye.

Abshir-Bacadle waxa ka di uu u soo guurey Beledweyn iyo Xamar oo uu aakhirki degey, waxanu caan ku ahaa ganacsiga yaryar ee bacadlaha. Laakiin waxa uu noloshiisa intii danbe uu aad ugu caan baxay dhinaca suugaanta oo u badan gabayo iyo Shirib. Waxa lagu tilmaamaa nin suugaanta u adeegsan jirey wacyi gelin, diin, maad, iyo bulshannimo intaba. Gabayada noocan ah ee caan baxay waxa ka mid ahaa gabayga la yidhaa 'QAADOW ADIGAA LEH'.

Waxa haatan la wadaa laba jus oo laga samaynayo suugaantii Abshir-Bacadle oo la ururiyey, midna la dhammaystiray. Waxa kale oo abshir bacadle uu caan ku ahaa sanadahan danbe dhinaca samafallada iyo taakulaynta dadweynihii ku waxeelloobay dagaallada sokeeye iyo kuwii barbaxay.

Allaha u naxariistee Abshir Bacadle, waxa la sheegay, in dadka uu ifka kaga tegey ay gaadhayaan ilaa dhawr iyo soddon qof oo shan bahood kala ahaa, haatanna ku kala sugan meelo kala geddisan.