Burcad badeed markab ka afduubay xeebaha Kenya

Burcad badeed
Image caption Burcad badeed

Burcad badeed Soomaali ah ayaa xeebaha waddanka Kenya ka afduubay markab laga leeyahay dalka Japan.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in markabka oo ay saaran yihiin 20 shaqaale oou dhashay Philippines, uu ka yimid Japan una socday dekedda magaalada Mombasa ee Kenya.

Weerarkan ayaa ka mid ah kuwii ugu dheeraa ee burcad badeedda Soomaalida ay ka sameeyaan xeebaha dhinaca koonfurta.

Masuuliyiinta dhinaca badda ayaa sheegaya in biyaha badda oo degan ay u fududeysay burcad badeeddaa inay ka hawlgalaan biyaha fog.