Burcad baddeed weerar ku qaaday wasiir

Burcad baddeed
Image caption Burcad baddeed

War ka soo baxay maamulka Puntland ayaa sheegaya in iska-hor-imaad khasaare gaystay uu dhexmaray koox burcad-badeed ah iyo ilaalada wasiirka dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage, oo la sheegay inuu kormeer u tegay magaalada Jirriiban ee gobolka Mudug. Warkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha wuxuu intaas ku daray in dadka ay waxyeelladu soo gaareen ay isugu jiraan ilaaladii wasiirka iyo dad rayid ah oo halkaas ku sugnaa waqtigaas.

Hase ahaatee sida ay saraakiisha dawladdu sheegayaan weli faahfaahin lagama hayo baaxadda khasaaraha iyo tirada dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Kooxaha burcad-badeedka ayaa la sheegayaa inay xoog ku leeyihiin degaankaas, ka dib markii laga sifeeyay saldhigyo ay ku layaaheeyeen Puntland.

Marar badan ayaa maamulku sheegay inuu burcadda ka sifayn doono degaannada hoos yimaada Garacad iyo Jirriiban hase ahaatee ma jirto wax tallaabbo ah oo maamulku arrintaas ka qabtay.