Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Somaliland iyo deeq bixiyayaasha

Image caption Shirka dowladda Somaliland iyo UNDP oo ka socda Hargaysa

Madaxweyne Axmed siilaanyo hadalka uu ka jeediyay shirka deeqbixiyaasha iyo xukuumada somaliland wuxuu ku sheegay in ahmiyad u leedahay joogitaanka deeqbixiyaasha ee Somaliland , taasoo muujineysa ayuu yidhi rabitaanka iyo taageerada bulshada caalamka.

Wuxuu sheegay in caalamku garowsaday in dalkeyga gacan ka siiyo dadaaladda uu ku abuuray deganaasho, bulsho dimuqraadi ah, oo nabdoon oo ku yaalla gobol lagu yaqaanno wareer siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo kooxo argagixiso ah oo wax baabi'iya iyo budhcad badeed caalami ah.

Axmed Siilaanyo wuxuu ka hadlay oo kale dhinaca cadaalada waxa uu ka qabtay, dhaqaalaha, la dagaallanka musuqmaasuqa , isagoo sheegay in aragtida ay hiigsanayaan tahay in la dhiso dal madaxbanaan, ammaan ah.

Ugu danbeyntii wuxuu madaxweynuhu sheegay in Somaliland u baahantahay taageerada bulshada caalamka. Isu duwaha deeqaha aadminnimo ee Somaaliya Mark Bowden ayaa isaguna ka hadlay shirka oo sheegay inay sii wadayaan taageerada dadka Soomaliland.

Ma aha oo keli ah ayuu yidhi inaan ka taageerno dhinaca wax soo saarka iyo shaqo abuurka, ee xagga xukuumadda, maamulka dhaqaalaha guud, nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo tacliinta ayuu xusay. Wasiirka wasaaradda qorsheynta Dr Sacad Cali shir ayaa isagu soo bandhigay baahiyaha Somaliland.

Wuxuu yiri " waxaan u baahannahay mucaawinno aannu dib u dhis iyo dayactir ku samaynno wadooyinkayaga, gegooyinka dayuuradaha, dekedahayaga , cisbitaalada, suuqyada magaalooyinka, isbitaallada, dugsiyada, maktabadaha, biyaha, korantada, iyo teknolojiyada.