Ahlu Sunna oo qabsatay Cadaado

Ahlu Sunna Wal Jameeca
Image caption Ahlu Sunna Wal Jameeca waxa ay heystaan qeybo ka mid ah gobollada dhexe

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa maanta dagaal ku qabsaday ciidamo Ahlu Sunna Wal Jameeca, sida ay sheegayaan goob joogayaal.

Dagaalka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan Afar qof, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen oo u badan dhinacyada halkaasi ku dagaallamay.

Magaalada Cadaado ayaa waxa gacanta ugu hayay maamulka Ximan iyo Xeeb.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxa uu sheegay in ay u soo gurmadeen magaalada Cadaado oo uu sheegay inay joogeen wax uu ugu yeeray kooxo Khawaariij ah oo uu yiri waxa ay dhibaato ku hayeen dadka deegaan.

Maxamed Aadan Tiiceey oo madax u ah maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in kooxo doonaya inay qasaan xasiloonida deegaanka ay weerar ku soo qaadeen, haatanna ay ku jiraan is difaac.

Lama oga khasaaraha guud ee uu geystay dagaalka halkaasi ka dhacay.