Shariif oo cambaareeyay weerarka Cadaado

Madaxweyne Shariif Sh Axmed
Image caption Madaxweyne Shariif Sh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa weerarka Cadaado ku tilmaamay Munkar iyo fasaad khatar ah oo ku dambeyn doona fidna qabiil. Madaxweynuhu wuxuu ka hadlayay khudbaddii Jimcaha, ka dib markii magaca kooxda Ahlu sunna ciidan wataa ay qabsadeen magaalada Cadaado ee gobolka galguduud, dibaddana ay ka dhigeen maamulka Ximan iyo Xeeb oo halkaa ka talinayay.

Ahlu Sunna oo uu ku tilmaamay in ay dowladdu hub iyo wax kasta oo ay awooddu ay ku taakuleysay, in ay ka gaabsato falka noocaas ah, oo ah mid aan loo dul qaadan karin.

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb ee Cadaado, Maxamed Adan Tiiceey, oo ka jawaabaya weerarka magaaladaiisa lagu soo qaaday ayaa hanjabaad u soo jeediyay kooxda qabsatay Cadaado.