Beled Xaawo oo caawa deggan

Shabaab
Image caption Mid ka mid ah maliishiyada al-Shabaab

Ugu yaraan soddon qof ayaa ku dhintay dagaal saacado badan socday oo xalay ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyay Shabaab iyo ciidamada dowladda oo ay iskaashanayaan kuwa Ahlu Suna.

Magaalada oo dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ay gacanta ku hayeen ciidanka dowladda KMG ah iyo Ahlu Sunna ayaa waxa dagaal ku soo qaaday Shabaab.

Wararku waxa ay sheegayaan in magaalada gudaheeda si culus loogu dagaallamay, oo al-Shabaab ay muddo gaaban ku jireen magaalada.

Waxaa la maqlayay dhawaaqa qoryaha culus iyo dukheyn.

Dadweynihii magaalada ku noolaa ayaa u barakacay dhinaca degmooyinka Mandheera iyo Dooloow.

Magaalada ayaa deggan saaka waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Wal Jameeca.