Is afgaran waa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, wuxuu ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanku in uu ku takri falayo awooddiisa.

Wuxuu ku tilmaamay in uu ka hortaagan yahay mudanayaasha baarlamaanku in ay yeeshaan dood furan.

Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanku in uu sharciga ilaaliyo, mudanayaasha Baarlamaankana aanuu iska hortaagin gudashada waajibaadkooda.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay in arrinta uu ku adkeystay Guddoomiyaha Baarlamaanku, ee ah in codka loo qaadayo Ra'iisal Wasaaruhu magacaabani uu noqdo mid qarsoodi ah ay tahay mid aan waafaqsaneyn Axdi Qarameedka iyo dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya toona.

Ma dhicin tan iyo markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay, ayuu yiri Madaxweynuhu, in baarlamaanku uu si kama dambeys ah u diido Ra'iisal Wasaare uu Madaxweyne soo magacaabay.

Waxaa warkani ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanku in uu ku xad gudbay qodobbo dhowr ah oo ka tirsan Axdi Qarameedka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jawaab

War saxaafadeed uu isaguna soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanku ayaa si kulul loogu weeraray madaxweynaha.

War saxaafadeedka waxaa lagu tilmaamay in dhowrista shuruucda dalku ay tahay mid ka weyn rabitaan iyo ujeeddooyin gaar ah.

Talada Madaxweynaha ee ku saabsan qaabka ay ahaaneyso cod u qaaditsa Ra'iisal Wasaaraha magacaaban waxaa uu warkani ku tilmaamay fara gelin uu Madaxweynuhu ku sameynayo hawlaha Baarlamaanka.

Hadalkan ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu ku baaqay in baarlamaanku uu fadhi isugu yimaado Arbacada si loogu codeeyo Ra'iisal Wasaaraha magacaaban.

Wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay gacan ka geystaan xallinta khilaafkan oo ay ku tilmaameen in uu carqalad ku noqon karo Hey'adaha ku meel gaarka ah, isaga oo isla markaana weydiistay in ay soo dirsadaan wakiillo si ay ula socdaan tirada codadka.

AMISOM waxaa warkani uu si gooniya uga codsaday in ay ammaanka aad u adkeyso.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu yaraan laba bannaan bax oo lagu soo hadal qaaday khilaafka baarlamaanka qabtay, wuxuu warkani ugu baaqay in uu ka dhowrsado waxyaabaha kicin kara dhiillo.