Todobaadka Dhaqanka Soomaalida London

Jaamac Muusa Jaamac
Image caption Jaamac Muusa Jaamac

Habeenkii Sabtida waxaa magaalada London ka furmay barnaamij loogu magacdaray todobaadka dhaqanka Soomaalida oo sanadkiiba mar lagu qabto caasimadda UK.

Waxaa todobaadkan ka soo qaybgalay abwaanno, fanaaniin, majaajiliistayaal iyo qorayaal, waxaa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame (hadraawi), Axmed Saleebaan Bidde, Boon Xirsi iyo Aamina Cabdullaahi.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Todobaadkan dhaqanka Soomaalida ee ka furmay magaalada London, waxaa lagu soo bandhigayaa fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliya isagoo qoraal ah iyo iyadoo ay abwaanada iyo suugaanlaydu toos u soo gudbinayaan.

Hadaba, waxaa abaabulayaasha barnaamijkan ka mid ah Jaamac Muuse Jaamac. Cabdiraxmaan Koronto, ayuu uga waramay Todobaadka dhaqanka Soomaalida ee London ka furmay.

Barnaamijkan ayaa socon doona muddo todobaad ah. wuxuu bilowday Sabtidii, wuxuuna soo gababoobayaa Axadda soo socota.