Barre Hiraale oo ka baxay Beled Xaawo

Shabaab
Image caption Shabaab ayaa awal magaalada laga saaray

Magaalada Beled xaawo ayaa waxaa ka baxay ciidankii Barre Hiiraale oo toddobaadkii hore halkaa ka qabsaday Shabaab.

Dadkii magaalada ayaa sheegay in ay saaka ku soo tooseen iyada oo ciidankii magaalada haystay ay ka baxeen.

Waxay u baxeen ayaa la leeyahay dhinaca magaalada Dolow oo markii hore ay ka soo duuleen.

Ciidankan Barre Hiraale oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ahlu Sunna waxay magaalada ka qabsadeen Shabaab toddobaadkii hore, waxaana dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan 30 qof.

Ciidanka Shabaab ayaa la sheegay in ay soo galeen magaalada.

Dad ka qaxay dagaalkaas ayaa gaaray Mandera oo ka tirsan Kenya iyo Dolow.

Hadda lama yaqaan sababta ciidanku uu magaalada uga baxay.