Xisbiga Obama wuxuu lumiyay aqalka wakiillada

Xisbiga Jamhuuriga
Image caption Bob Mc Donnell oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga oo u dabaaldagaya guushooda

Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa guul weyn ka gaaray doorashada labada Aqal ee Congresska Mareykanka - Waa Aqalka Wakiillada iyo Senateka.

Waxaa lagu tilmaamay inay tahay isbeddelkii ugu weynaa ee 60 sano.

Guusha Jamhuurigu waxay kor u dhaaftay tii ay ku guuleysteen 1994 markii Clinton ahaa Madaxweynaha.

Xisbiga Madaxweyne Obama ee Dimoqraatiga waxaa kale oo looga guuleystay kuraas Aqalka sare ee Senateka, laakiin weli ayaga ayaa hoggaaminaya Golaha.

Hoos u dhaca dhaqaalaha Mareykanka iyo shaqo la'aan baahday ayaa ah waxyaabaaha uu ka faa'iideystay xisbiga Jamhuuriga (Republican)

Madaxweyne Obama ayaa waxaa uu dhib kala kulmi doonaa labada sano ee soo socota inuu sharciyo uu meel mariyo maaddaama xisbigiisa laga haysto kuraasta ugu badan Aqalka Wakiillada.

John Boehner oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa noqon doona afhayeenka cusub ee Aqalka Wakiilada.