Markab taagan dekedda Muqdisho oo dab qabsaday

Dekedda
Image caption Markabka dabku ka kacay oo la daminayo

Markab laga leeyahay waddanka Kuuriyada Koonfureed oo ku sugan dekedda magaalada Muqdisho ayaa dab uu ka kacay.

Lama oga sababta kicisay dabka, mana jirto cid wax ka noqotay shaqaalaha markabka saarnaa.

Markab oo siday dhuxul ayaa waxa uu ka yimid magaalada Kismaayo, waxaana uu ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta.

Maareeye ku xigeenka dekedda Muqdisho ee dhinaca maamulka Axmed Cali Hilowle ayaa BBC u sheegay in dabku ka kacay godka saddexaad ee markabka.

Waxa uu sheegay in ay socoto hawl lagu daminayo dabka ka kacay markabka.