Soomaali dacwad lagu soo oogay Maraykanka

Al-Shabaab waxay dagaal kula jirtaa Dowladda Somaliya
Image caption Al-Shabaab waxay dagaal kula jirtaa Dowladda Somaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee taageeraya

Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa ku soo oogay dacwad laba nin oo Soomaali ah Maxamuud Cabdi Yusuf oo ku nool St Louis iyo Cabdi Mahdi Xussein oo ku nool Minneapolis.

Waxaa lagu eedeynayaa nimanka in ay kumanyaal dollar ay u direen Al-Shabaab.

Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad laakiin waxaa la aamin san yahay inuu joogo Somaaliya ama Kenya.

Dacwad tan la mid ah ayaa Taladadii lagu soo oogay saddex nin oo Soomaali ah oo ku nool California, iyadoo lagu eedaynayo inay taageero dhaqaale siiyeen Al-Shabaab.