Qarax bam oo ka dhacay Hargeysa

Hargeysa
Image caption Magaalada Hargeysa

Ugu yaraan Sagaal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax bam oo ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qaraxa ayaa wararku sheegayaan inuu dhacay markii nin uu bam gacmeed ku tuuray baabuur.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobtaasi, ayaa la geeyay isbitaalka magaalada.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa BBC u sheegay in dhaawacyada dadkaasi gaaray ay fudud yihiin, inkastoo ay saddex qof oo ka mid ah ay liitaan.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in la qabtay ninkii bam gacmeedka tuuray.

Waxa ay sheegeen in qaraxaasi aanu la xiriirin wax argagaxisa ah, oo ay ahayd laba qof oo wax dhex mareen.