Maraykanka oo mamnuucay xamuulka ka yimaada Soomaaliya

Maraykanka, ayaa xayiraadii la saaray xamuulka ka yimaada dalka Yemen hadda ku daray xamuulka asalkiisa ka soo duula dalka Soomaaliya.

Tallaabada ayaa ka dambaysay markii dhowaan la ogaaday laba xirmo oo bomb lagu soo qariyay la soo saaray diyaaraha xamuulka, iyagoo ku socday cinwaanno gudaha dalka Maraykanka ah.

Dhowr dal oo kuwa Europe ah, ayaa tallaabooyin noocan oo kale ah qaaday todobaadkii hore.