Maxkamad mar kale la saaray dhalinyaro laga qabtay Minniapolis

Mid ka mid ah waalidiinta ilaa 29 dhalinyaro Soomaali ah oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Minniapolis ee gobolka Minasota ee Maraykanka, Cumar Riigo, ayaa shaki ka muujiyay in dhalinyaradan dambiga lagu soo eedeeyay uu yahay mid ay Soomaali gali karto.

Cumar Riigo, wuxuu awoow u yahay mid ka mid ah dhalinyarada la soo eedeeyay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinyarada, ayaa loo haystaa in ay gabdho da' yar ay iibinayeen si jirkooda looga ganacsado.

Dambiga, ayaa la sheegay in ay ka gaysteen magaalada Nashville gobolka Tennesse ee dalka Maryakanka, halkaas oo dacwadda looga soo oogay, qorshuhuna yahay in loo gudbiyo si maxkamad loogu qaado.

Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis oo go'aan ka gaaraysay gudbinta dhalinyarada, ayaa waalidiinta dhalinyaradan qaar ka mid ah ay tageen.