Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhalinyarada laga xiray Minniapolis

Mid ka mid ah waalidiinta ilaa 29 dhalinyaro Soomaali ah oo maxkamad lagu soo taagay magaalada Minniapolis ee gobolka Minasota ee Maraykanka, ayaa shaki ka muujiyay in dhalinyaradan dambiga lagu soo eedeeyay uu yahay mid ay Soomaali gali karto.

Dhalinyarada, ayaa loo haystaa in ay gabdho da' yar ay iibinayeen si jirkooda looga ganacsado.

Dambiga, ayaa la sheegay in ay ka gaysteen magaalada Nashville gobolka Tennesse ee dalka Maryakanka, halkaas oo dacwadda looga soo oogay, qorshuhuna yahay in loo gudbiyo si maxkamad loogu qaado.

Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis oo go'aan ka gaaraysay gudbinta dhalinyarada, ayaa waalidiinta dhalinyaradan qaar ka mid ah ay tageen.

Waxaa ka mid ah Cumar Riigo oo awoow u ah mid ka mid ah dhalinyarada.