Xukuumadda cusub oo lagu dhawaaqay

Raiisul Wasaare
Image caption Raiisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay golaha cusub wasiiradiisa.

Xaflad ka dhacday xaruunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay xubnaha cusub ee xukuumadda.

Golaha cusub ee wasiiradda ayaa ka kooban 18 xubnood.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxa ay u badan yihiin xubno ku noolaa dalka dibeddiisa.

Saddex ka mid ah wasiirada cusub ayaa horey ugu jiray dowladdii hore.

Xubnaha cusub ee golaha wasiiradda waxay kala yihiin:

1. Maxamed Cabdullahi Oomaar, Raiisul wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka arrimaha dibedda.

2. Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, Raiisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka arrimaha gaashaandhiga.

3. Cabdiweli Maxamed Cali, Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga.

4. Cabdullahi Abyan Nuur, Wasiirka garooska arrimaha diinta iyo awqaafta.

5. Cabdishakuu Shiikh Xasan Faarax, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

6. Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka maaliyadda iyo Lacagta.

7. Maryama Qaasim Axmed, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha qoyska.

8. Yusuf Macalin Amiin Baadiyow, Wasiirka Beeraha iyo xanaanada xoolaha.

9. Dr Aadan Xaaji Ibraahim Daaud ,Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada.

10. Cabdikariim Xasan Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada iyo Isgaarsiinta.

11. Cabdinuur Macalin Maxamuud, Wasiirka arrimaha bulshada, shaqada iyo horumarinta shaqaalaha.

12. Maxamed Macalin Xasan, Wasiirka Kaluumeysiga, Beyada iyo kheyraadka badda.

13. Axmed Cabdiraxmaan Abaade, Wasiirka dekedaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka.

14. Maxamuud Maxamed Boonoow, Wasiirka Dastuurka Federalka iyo Dib u heshiisiinta.

15. Cabdirashiid Khaliif Xaashi, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska.

16. Cabdirisaaq Shiikh Muxudiin, Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka.

17. Cabdinuur Shiikh Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare

18. Maxamuud Cabdi Ibraahim, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Raiisul wasaaraha ayay tahay in xubnaha golihiisa wasiirada uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya si loogu qaado cod kalsooni ah.