Baarlamaanka waa lagu kala dareeray

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi
Image caption Ra'iisal Wasaaraha ayaa xukuumadda uu soo dhisay cod loo qaadayaa.

Baalamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu kala dareeray ka dib markii uu muran xoog lihi ka dhacay in codka loo qaadayo xukuumaddu uu ahaado qarsoodi iyo in kale.

Sida ay weriyayaashu ku soo warramayaan, mudanyaaal ka soo horjeeday codka qarsoodiga ah ayaa is hor taagay in codka lagu bixiyo si qarsoodi ah.

Ra'iisal Wasaaraha cusub ayaa baarlamaanka soo hor dhigay magacyada Golihiisa Wasaaradda cusub iyo barnaamijka ay ku shaqeyn doonaan.

Laba maalmood oo dood ah ka dib waxaa la filayay in maanta uu baarlamaanku codka kalsoonida u qaado xukuumadda cusub.

Fadhiga maanta waa lagu kala darereeray, lamana sheegin marka codka la qaadi doono.