Lix dhalinyaro ah oo lagu xiray Kenya

Booliiska dalka Kenya ayaa su'aalo ku waydiinaya ilaa lix dhalinyaro reer Mombasa ah oo ay ku jiraan laba arday dugsiga sare dhigata.

Waxaa looga shakisan yahay in ay ku talojireen in ay u kicitimaan dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda al-Shabaab.

Waalidiinta oo ka naxsan eedahan ayaa dowladda ka dalbanaya in ay arrinta salkeeda taabato, iyadoo beeniyay in aysan xiriir caruurtoodu la lahayn alShabaab.

Lixda qof ayaa laga soo qabtay jasiiradda Lamu deegaanka Kizingitini laba maalmood ka hor, waxaana la filayaa in lagu soo celiyo magaalada Mombasa si maxkamad loo soo saaro.