Dagaalka labada Kuuriya

Kuuriya
Image caption Rasaasta labada Kuuriya ay isku rideen oo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac

Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa midba kan kale ku eedeeyay inuu bilaabay dhacdadii ugu qatarsaneyd ee ka dhacda soohdinta labada dal tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii Kuuriya.

Rasaas la is weydaarsaday ayaa socotay muddo saacad ah. Tobaneeyo gantaallo ah oo Kuuriyada Waqooyi ay soo riday ayaa ku dhacay Kuuriyada Koonfureed meel u dhaw soohdinta, waxaana ku dhintay laba askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen konton qof, oo isugu jira rayid iyo ciidamo.

Guryo ayaa dab uu qabsaday, dadkuna waxa ay raadsadeen meel ay ka galaan gantaallada.

Kuuriyada Waqooyi ayaa marka hore ku eedeeysay Koonfurta inay soo riday rasaas.

Koonfurta Kuuriya ayaa waxa ay sameynayeen tijaabo hub, meel u dhaw jasiiradda, laakiin kuma ridin dhinaca Waqooyiga.

Seoul ayaa ku tilmaantay dhacdadan mid xad gudub ku ah heshiiskii labada dhinac, waxaana ay ka digtay in ficil colaadeed oo sii socda uu keeno doono jawaab xun.