Daraasaad sheegaya helida cunto ku filan Afrika

Beeraha Afrka
Image caption Beeraha Afrika ayaa badankooda aan lahayn mashiino oo gacanta lagu qodaa

Buug cusub oo uu soo saaray Calestous Juma oo ah Professor ka dhiga Jaamacada Harvard ee Maraykanka maadada horumarinta caalamiga, ayaa sheegay in Afrika ay heli doonto cunto ku filan xiliyo dhow ayna noqon doonto qaarad dhoofisa cunto aad u badan.

Professor Juma ayaa boogiisa maanta ku soo bandhigi doona shir ay ku leeyihiin madaxweynayaasha Afrika Dalka Tanzania.

Professor Juma ayaa ku guubaabinaya madaxweynayaasha Afrika inay muujiyaan rabitaan siyaasadeed ee ay ku maalgalinayaan jidadka, waraabinta beeraha, bacriminta, mashiinada beeraha sida cagaf cagafta, maalgalinta meelo lagu kaydiyo miraha beeraha,warshado lagu sameeyo cuntada iyo tamarta loo baahan yahay in lagu hormariyo beeraha Afrika, si ay Afrika uga baxdo inay u baahato cunto iay dibada keensato.

Laakiin waxaa jira dalal badan Afrika oo horumar ka gaaray beeraha sida Ghana oo isbadal wayn ku samaysay sanadihii ugu danbeeyay beeraheeda.