Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay ciidan Puntland.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka
Image caption P.J Crowley waa afhayeenka dibadda ee Maraykanka

Afhayeenka arrimaha dibadda ee Maraykanka, P.J. Crowley, ayaa sheegay in Maraykanku ka warqabo hawl galkaas hase ahaatee aanu sinnaba ugu lug lahayn.

Waxaa uu sheegay in Maraykanku su'aalo ka qabo cidda taageeraysa iyo ujeedada laga leeyahay mashruucaas oo bilaabay inuu tababaro ciidan military ah oo gaaraya 1050 askari Puntland gudaheeda.

Afhayeenku waxaa uu warfidiyeenka u sheegay inay la socdaan in maamulayaasha Puntland ay qandaraas siiyeen sharikad gaar ah oo xagga ammaanka qaabilsan inay gacan ka siiso la dagaallanka burcad-badeedda gobolka. Hase ahaatee waxaa uu sheegay inaan iyaga lagala tashan barnaamijkaas, aysanna iyagu maalgelin ku sameyn. Waxaana uu sheegay inay ka walaacsan yihiin cidda maalgelinaysa oo aan la garanayn, ujeeddooyinka laga leeyahay iyo baaxadda uu leeyahay intaba.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Maraykanku uu doonayo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ciidankaas oo saraakiil gobolka joogta ay sheegayaan inay tababarayso sharikad ammaanka ka shaqeysa oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Saracen International.

Wakaaladda wararka ee Maraykanka, AP, waxay shalay ku warrantay in ciidankaas ay maagelinayso dowlad muslim ah oo aan la magacaabin oo soo qortay sarkaal hore uga tirsanaan jiray CIA-da Maraykanka iyo diplomacy sare oo hore uga mid ahaa maamulka Maraykanka inay gacan ka siiyaan abuuritaanka ciidankaas.

Qaybtii ugu horreysay ciidankan oo ka kooban 150 nin oo Soomaali ah waxay dhammaysteen tababar 13 toddobaad ah maalintii Isniintii. Waxaa uu ciidanku ku qalabeysan yahay 120 gaari oo ah nooca pickup iyo lix dayuuradood oo yar-yar oo xeebaha ilaalinaya.

Bishii September, maamulka Obama waxaa uu sheegay inay qorsheeyeen in ay ballaariyaan la macaamilka Puntland iyo gobolka kale ee Soomaaliya ee goonida u taagan ee Somaliland, taas oo qayb ka ah dadaalka Maraykanku ku doonayo soo celinta nabadda Soomaaliya.

Saraakiisha Maraykanku ma aanay faahfaahin waxa uu noqon karo la macaamilka gobolladaasi laakiin waxay sheegeen in uusan gaarsiisneyn aqoonsi in labadaasi gobol ay yihiin waddammo madaxbannaan.

Jiritaanka ciidankani waxay walaac ku abuurtay dadka gobolka qaarkood kuwaas oo ogsoon in Soomaaliya aysan lahayn dowlad si buuxda u shaqeynaysa wixii ka dambeeyay sanadkii 1991.