Tarxiil dhimasho u keenay ajnabi badan

calanka sacuudiga
Image caption Calanka waddanka SAcuudiga

Hay'adda muhaajiriinta caalamiga ah ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay ku go'doomaan agagaarka xadka magaalada Haradh iyagoo caafimaadkoodu aad u liito, waxaana ay sheegtay in ugu yaraan soddon ay dhinteen todobaadyadii la soo dhaacay.

Hay'adda ayaa sheegtay in iyada iyo xulufadeedu ay caawiyeen ilaa kala bar laba kun oo muhaajiriin sharci darro ah oo loo soo gudbiyay balse ay ka sii yaraanayso maalgalinta ay ku caawin karaan tirada sii kordhaysa.

Xadka u dhaxeeya Yemen iyo Sacuudi Carabiya ayaa loo arkaa goob caan ku ah kala gudbinta soo galootiga sharci darrada ah, iyadoo dadkan magangelyo doonka ah ay ka kala yimaadaan Ethiopia, Soomaaliya iyo Sudan, oo iyagu ku sii jeeda dalalka bariga dhexe iyo goobo ka sii baxsan.