Ciidamada Ivory Coast oo soo weerarary Alassane Outtara

Laurent Gbagbo
Image caption Laurent Gbagbo

Ciidamada Ivory Coast ayaa hareereeyay hotel xarun u ah Alassane Ouattara, oo ah ninka ay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku dhawaaqeen inuu ku guulaystay doorashada madaxweynenimada ee lagu muransan yahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xabado la maqlay,dad goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada daacada u ah Laurent Gbagbo, inay isticmaaleen qoryaha mashiinka laga rido oo baabuur la soo saaray si ay u qabsadaan jidka aadaya hotelka uu degan yahay Alassane Ouattara.

Askar hubaysan oo uu leeyahay Alassane Ouattara oo ay taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ee Qaramada Midoobay ayaa difaacaya hotelka.

Laurent Gbagbo iyo Alassane Ouattara ayaa labadaba ku dhawaaqay inay yihiin madaxweynaha Ivory Coast doorashada bishii hore ka dib.