5 lagu dilay Muqdisho

Dagaal madaafiic la isku wedaarsaday Muqdisho ayay 5 ruux ku dhinteen.

Dhaawucu waa 13 ruux.

Dhimashada iyo dhaawaca labaduba waa aagga Bakaaraha waana maanta (Khamiis) oo keliya.

Dagaalka oo dhex marayay Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Shabaab, ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ka socday aagga Boondheere iyo Hodon.

Labada dhinacba waxay sheegteen in ay guulo soo hooyeen.

Laakiin wararku waxay sheegayaan in khasaaruhu u badan yahay dhinacyada dagaallamayay maaddaama ay goobaha ay ku dagaallameen ay ahaayeen kuwo shacabkii degganaa intiisa badani uu hore uga qaxay.