Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhaqdhaqaaqa ka hortagga qabyaaladda

Image caption Cabdifitaax oo u waramaya Cabdiraxmaan Koronto

Galbeedka Magaaladan London, xaafadda Hammersmith, waxaa xalay ka dhacday musaabad ay isugu yimaadeen in ka badan kun qof, oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan guud ahaan London.

Waxaa isugu yeeray dhalinyaro ku midowday dhaqdhaqaaqa Anti-Tribalism Movement, (ATM), oo ah urur ay sameeyeen koox dhalinyaro ah oo ku nool magaaladan London.

Heeso, bandhig faneed iyo ruwaayad ka tarjumaysa xumaanta ku dhaqanka qabiilka, iyo guud ahaan dhibaatada bulshada Soomaalida ku haysata qurbaha iyo sidoo kale guud ahaan dhibaatooyinka ka dhexjira qoysaska.

Cabdiraxmaan Koronto, ayuu uga waramay ujeedada ATM.