Lix qof oo ku dhintay qarax

dhaawac
Image caption Qof ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho

Ugu yaraan lix qof oo afar ka tirsan ay yihiin ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo ay ku jiraan dad rayid ah, ayaa waxa uu ka dhacay goob ay ciidamada dowladda ku baaraan baabuurta, oo ku taalla inta u dhexeysa kulliyaddii Jaalle Siyaad iyo Ex Koontarool Afgooye.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay markii miino dhulka la dhigay ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay soo saarteen baabuurkii ay wateen kadibna uu ku qarxay.

Dhinaca kale hoobiyeyaal lagu garaacay xaruunta taliska ciidamada booliiska ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay laba qof, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, markii hoobiye uu ku dhacay goob shaaha lagu cabo oo ku taalla guri ku dhegan xaruunta booliska.

Ugu yaraan 11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi hoobiyeyaasha.