Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxa Ergada Soomaalida u fadhida New York

Dhowaan waxaa soo ifbaxay khilaaf ka aloosmay xafiiska ergada Soomaalida u fadhida xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Waxaa khilaafkaas uu u dhaxeeyay Madaxa ergada Soomaalida ee Qaramada Midoobay Dr Cilmi Ducaale iyo Ciid Badal oo ahaa ku xigeenka madaxa ergada Soomaalida.

Waxaa xafiiska tagay Booliis kadib markii khilaafka labada mas'uul uu meel xun gaaray.

Waxaa wararku sheegayaan in Ciid Badal oo horay warqad badal ah u helay, hadana dib looga soo magacaabay wasaaradda arrimaha dibedda.

Waxaa kaloo jirtay in wasiirka arrimaha dibeddu uu warqad u qoray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo sheegaysay in Dr Cilmi Ducaale looga yeeray Muqdisho, xilka madaxa xafiiskana uu sii haynayo Ciid Beddel.

Hadaba, waxaa markii ugu horaysay BBC u suuragashay in ay arrintan ka waraysato madaxa Ergada Dr Cilmi Ducaale.

Weriyaha BBC, Maxamed Xaaji Xuseen, ayuu u waramay.