Booliiska Koonfur Afrika oo qabtay hub Soomaaliya loo waday

booliis
Image caption Booliiska Koonfur Afrika

Booliiska waddanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in afar qof lagu soo oogay dacwad ah in si sharci daro ah waddanka u soo galiyeen hub qeyb ka ahaa hub loo safrinayey Soomaaliya oo loogu talagalay in laguala dagaalamo burcad badeeda.

Afhayeen booliiska u hadlay aya sheegay in 13 qori laga helay guri ku yaala magaalada Durban.

Waxa la aaminsanyhaya in hubkan si qarsoodi ah loo geliyay koonfur africa iyadoo laga dejiyey dekadda magaalada Durban.

Booliiskuna waxay sheegayaan in ay weli wadaan baaritaano ku aadan cidda saaciday afarta qof iyo waxa la doonayey in lagu qabto hubka

Afarta qof ee dacwadda lagu soo oogay waxa ay u dhasheen Koonfur Afrika, waxaana maxkamad la soo taagay Jimcihii, inkasta oo lagu sii daayay damiin.