Wasiir Kenya oo is casilay

Image caption Wasiirkii warshadeynta ee Kenya Henry Kosgey

Henry Kosgey oo 63 jir ah waxa uu ahaa wasiirka warshadeynta, waxa uu sidoo kale ahaa guddoomiyaha xisbiga Raisal wasaaraha ee Orange Democratic Movement (ODM)

Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee Kenya Anti-Corruption Commission ayaa in muddo ah ku waday baaritaan la xiriira in uu amray in waddanka la soo geliyo baaburo horay loo isticmaalay oo duug ah oo dhaafay muddadii loogu talagalay ee sharciga ahayd

Lama ogola Kenya in baabur 8 sanno ka badan la isticmaalaayey in waddanka la soo geliyo.

Balse wasiirkii hore ee warshadeynta ayaa ku doodaya in sharciga u baneynayo in sidaa iyada ah uu sameeyo.

Henry Kosgey, waxa uu sheegay in uu xilka baneynayo inta ay dhinac uga dhacayso dacwada loo haysto, waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa oo isaga oo aan la qasbi tagi doono maxkamada

Isniintii ayuu xeer ilaaliyaha guud waxa uu u fasaxay guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa in uu soo xiro wasiirkii hore ee warshadeynta Henry Kosgey waxa uuna sheegay in la hayo cadeymo ku filan oo maxkamad lagu soo taagi karo wasiirka

Henry Kosgey,waxa uu sidoo kale ka mid ahaa 6-da shaqsi ee ay maxkmada caalamiga ee dambiyadda dagaalka sheegtay in ay ka dambeyeen rabshadihii ka dhacay Kenya 2008-dii, oo ay maxkamadu doneyso in ay dacwad ku furto

Waxa uu noqonayaa wasiirkii sedexaad oo is casila tan iyo intii uu dhaqan galay dastuurka cusub sannadkii hore

Waxa horay isu casilay wasiirkii arimaha dibeda Moses Wentagula iyo wasiirkii hore ee tacliinta sare William Ruto iyo waliba duqii hore ee Magaalada Nairobi Geofery Majiwa

Waxayna u muuqataa in dastuurka cusub uu dardar cusub geliyey la dagaalanka musuqmaasuqa, iyadoo dastuurka dhigayo in ciddii lagu soo ogaa dacwad anay sii hayn kareynin xilka kasta oo ay hayso..

Bilow Kerow, oo xubin ka ah guddiga la taliya gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegay in dastuurka cusub uu wax badan ka badalay qaabka wax looga qabanayey musuqmaasuqa, waxa uuna intaasi ku darayaa in cid walba oo lagu soo oogo dacwad musuqmaasuq ay qasab tahay in ay xilka baneyso..

Kenya waxaa lagu tirayaa in ay ka mid tahay waddamada uu la dagay musuqmaasuqa. In ka badan 45 sarkaal oo sare ayaa haatan waxa ku socda baaritaan dhinaca musuqmaasuqa.