Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalintii labaad codbixinta aayaha Koonfurta Sudan

Waxaa maalintii labaad gashay aftida koonfurta Sudan ee loo qaadayo in ay ka go'aan waqooyiga Sudan iyo in kale.

Weriyaha BBC Bashkas Jug Soo dhacay ayaa ku sugan caasimadda koonfurta Sudan ee Juba.

Cabdiraxmaan Koronto, ayuu uga waramay sida maanta loo codaynaya iyo guud ahaan waxa uu ku arkay magaalada Juba caasimadda Koonfurta Sudan ee ku saabsan dareenka dadka iyo sida jawigu yahay.

Wuxuu sheegay marka la eego sida dadku u dabaaldegayaan oo koox koox ugu socdaan in natiijadiiba ay soo baxday, oo dadku ay ku kalsoon yihiin in loo codayn doono in koonfurta Sudan ay ka goosato waqooyiga Sudan.