Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaro saameeyay dad badan

Image caption Dadka ka soo qaxay abaarta ayaa hadda imanaya daafaha magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Madina

Dad badan oo ka soo barakacay abaarta saamaysay gobollada Soomaaliya ayaa aad u soo galaya magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa ka imaaday gobollada ay ka taliyaan Alshabaab, oo mamnuucday in hayadaha gar gaarka ay ka shaqeeyaan gobolladaas.

Shalay ayaa duqa magaalada Muqdisho ka digay in dad ka soo qaxay Baydhaba, Jowhar iyo Balcad ay hadda ku dhow yihiin in ay macluul ugu dhintaan daafaha magaalada Muqdisho.

Dadka oo hadda yimid meelaha ay Dowlada Soomaaliya maamusho ee Muqdisho gaar haan deegaanka dharkanley ayaa waydiisanayaa gar gaar deg deg ah.