Waddo tareen oo dheer oo laga furay Angola

Shiadaalka Angola
Image caption Angola ayaa ah waddanka labaad ee Afrika ee dhoofiya shidaalka

Jid dheer oo tareennada ah ayaa maanta dib loo furay dalka Angola kaddib markii ay xirnayd labaatan sano ku dhowaad dagaalladii sokeeye ee dalkaasi awgood.

Waddadan tareenka oo dhererkeedu yahay 400 oo KM iskuna xirta magaalada caasimadda ah ee Luanda iyo magaalada bariga dalka ee malanje waxaa markii ugu horreysay la furay sanadkii 1909, waxaana qayb ahaan burburiyay dagaalladii sokeeye taasoo keentay in la xiro sanadkii 1992dii.

Jidkan tareenka ee la furay ayaa ka mid ah mashruucyo afar bilyan oo dollar oo dib u dhis ah oo uu Shiinaha ka wado Angola.