Nin Jarmal ah oo ay xukuntay Somaliland

Maxkamadda Somaliland
Image caption Maxkamadda Somaliland

Maxkamadda gobolka ee Hargeysa ayaa ku xukuntay afar sano oo xarig ah iyo tobon kun oo Dollar oo ganaax ah nin Jarmal ah gunter Bischof .

Ninkan oo dhawr bilood ku xirnaa Somaliland waxaa xaakimka Maxkamaddu Cabdirashiid Durraan u sheegay BBC-da in lagu helay denbi ah faafin sawiro anshax xumo oo ka soo horjeeda diinta islaamka iyo dhaqankaba, iyo inuu sameeyay dhiirigelin gogol-dhaaf ama dhilleysi. Xaakimka wuxuu sheegay in maxkamaddu xukuntay in ninkaasi Mr Gunter markuu dhammaysto xabsiga laga masaafuriyo dhulka Somaliland oo aanu dib danbana u soo geli karin. Maxkamaddu waxay kaloo ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo shan million oo shillin Somaliland ah oo ganaax ah Hibaaq Xuseen Ibraahim oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay denbi ah inay sawirradaasi kala qayb qaadatay ninka Jarmalka ah.

Qareenka difaacayay dacwadaasi Dr Bashiir Xuseen Cabdi ayaa BBC u sheegay inuu ka fiirsanaayo inuu Rafcaan ka qaato xukunkan iyo in kale.

Dhageysiga dawacaddani waxay ka socotay beryahanba magaalada Mandheera.