Afar ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Muqdisho

Image caption Askar ka mid ah kuwa dowladda oo dagaal ku jira

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo iyo dukheyn xalay ilaa saaka ka dhacayay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah.

Dagaalladan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kooxaha islaamiyiinta ayaa waxa ay ka dhaceen degmooyinka Cabdulcasiis, Boondheere iyo Hodan.

Dhawaaqa madaafiicda culus ee laga soo ridayo xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa laga maqlayay xalay qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Dad goob joogayaal ah ayaa BBC u xaqiijiyay inay arkeen meydadka afar qof oo ku dhintya dukheynta.

Dhinaca kale afhayeenka al-Shabaab oo hadlay ayaa sheegay in ay weerar ku qaadayaan fariisimada dowladda iyo AMISOM ka hor inta aan iyaga la soo weerarin.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa dowladda KMG ah ay ku jirtay dadaal sidii ay mushaarooyin iyo raashin u siin lahayd ciidamadeeda.