Maxaabiis ONLF oo laga sii daayay xabsiga Jigjiga
Maxaabiis ONLF oo laga sii daayay xabsiga Jigjiga

Maxamed Faarax Coloow waa guddoomiye ku xigeenka ONLF garabka heshiiska la galay Ethiopia
Xabsiyada magaalada Jigjiga waxaa laga sii daayay maxaabiis gaaraysa 402 qof, oo ururka ONLF ka xirnaa.
Siidaynta Maxaabiista waxa ay ka mid ahayd, qodobadii ay ku heshiiyeen ururka ONLF ee Nabada la qaatay dowlada Itoobiya, Waxaa sidoo kale jirtay tiro kale oo maxaabiis ah oo horay loo sii daayay. Hadaba si aan wax badan uga ogaano siidaynta maxaabiistan ayaa Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxa uu la xiriiray Maxamed Faarax Colow, oo ah Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee ONLF garabka Nabada qaatay, oo jooga magaalada Jigiga.
Wuxuuna marka hore ka waramayaa tirada Maxaabiista la siidaayay.