Cambaareyn xariga weriyaha Waaheen

Image caption Maxkamadda Somaliland oo fadhida

Labada xisbi ee mucaaridka ah ee Somaliland ee UDUB iyo UCID ayaa cambaareeyay xadhiga tafatirhii Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac, XUUTO, oo shalay maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah iyo lix malyuun oo shillin somaliland ah oo ganaax ah . warar goonni-goonni ah oo labada xisbi soo saareen ayay ku sheegeen in tallaabada xadhiga suxufiyiinta iyo madax dhaqameedka sida Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo isna maalintii saddexaad ugu xidhan Hargeysa wax lagu tilmaamay afllagaado madaxweyne ay tallaabooyinkaasi yihiin kuwo ka hor imanaya distoorka iyo xorriyadda hadalka . Sidoo kale, ururka suxufiyiinta iyo qoroyaasha madaxa bannaan ee Somaliland SSJW ayaa war uu soo saaray ku cambeereeyay xadhiga tafatiraha wargeyska waaheen, kuna tilmaamay tallaabo hor leh oo dikteyternimo oo ka soo horjeeda xeerka saxaafadda Somaliland u yaalla. Dhinaca kalena, garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan xaaji nuur oo ah qareenka u doodaayay tafatiraha la xidhay ayaa maanta saxaafadda u sheegay inuu rafcaan ka qaatay xukunkaasi.