Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Prof Siciid Samatar oo ka hadlaya burburkii Siyaad Barre

Prof Siciid Sheekh Samatar, oo jooga Maraykanka oo muddo dheer wax ka qorayay arrimaha Soomaalida, ayaa sidoo kale BBC la xiriirtay.

Yuusuf Garaad ayaa Isagana waydiiyay maanta oo labaatan sano laga joogo markii ay dhacday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxa uu ku qiimayn karo labaatankaas sano xaaladda lagu jiray. Ugu horayn waxa ay la tahay in laga faa'iiday riditaankiisa Maxamed Siyaad Barre?