Burcad lagu soo celinayo Soomaaliya

Burcad
Image caption Burcad badda laga soo qabtay

Dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegtay inay la saxiixdeen heshiis Dowladda Seychelles, in loo soo celiyo burcada lagu helay danbiga ee xabsiga ku jira.

Heshiiska Seychelles ayaa waxaa kaloo si gooni ah iyagana u saxiixay dowladda ku meel gaar ka iyo Somaliland.

Madaxa la dagaallanka burcada ee Puntland Cabirisaaq Maxamed Dirir ayaa BBC u sheegay in soddon iyo kow burcad ah lagu xukumay lix ilaa labaatan iyo laba sano dalka Seychelles.

Shan iyo toban kale oo burcad lagu eedeynayo ayaa maanta maxkamad la saarayaa dalka Seychelles.

Qiyaastii todobo boqol iyo afartan Soomaali ayaa loogu haystaa burcadnimo laba iyo toban wadan.