Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Berlusconi oo maxkamad la soo taagayo

Xeer illaaliye jooga magaalada Milan ee Talyaaniga ayaa amray in Ra'iisalwasaaraha Talyaaniga Sivio Berlusconi la soo taago maxkamad, isagoo lagu eedeynayo inuu lacag bixiyay si uu ula seexdo gabar toddobo iyo tobbon jir ah, markii la ogaadayna uu isku dayay inuu qariyo isagoo isticmaalaya awoodiisa.

Waddamada dalaka Yurub ayaa da'da uu qofka qaan gaar ku noqdo waxay tahay siddeed iyo toban jir, waana sharci daro hadii aad la seexatid qof da'diisa ay ka yar tahay 18 jir wiil iyo gabarba.

Silvio Berlusconi ayaa ku tilmaamay eedaynta wax aan sal lahayn. Isaga iyo gabadha ayaa beeniyay inay isla seexdeen. Ra'iisalwasaare Berlusconi ayaa waxaa kaloo loo haystaa saddex dacwad oo kale.