Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cali Samatar oo maxkamad la soo taagi doono

Image caption Maxamed Cali Samatar

Xeer illaaliye degmo ee Maraykanka ayaa ogolaaday in madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Samatar lagu qaadi dacwad loo haysto.

Maxamed Cali samatar ayaa hadda ku nool dalka Maraykanka waxaana lagu eedeynayaa, inuu ka gaystay danbiyo dagaal iyo jir dil Soomaaliya sanadihii 1980 tameeyadii markii uu ahaa wasiirka gashaadhiga.

Xeer illaaliyaha degmada ayaa markii hore u ogolaaday Samatar oo dowladii hore Somaaliya ka tirsanaan jiray inaan dacwad lagu qaadi karin, laakiin maxkamad sare ayaa dacwada dib u furtay sanadkii hore. Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa dacwaynaya Soomaali ku nool Maraykanka.