Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mucaaradka Djibouti oo ka hadlay muddaharaadka

Image caption Calanka dalka Djibouti

Dalka Djibouti waxaa la sii daayay xubno ka tirsan axsaabta mucaaradka oo maanta la xiray kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen muddaharaadyo dowladda ka dhan ah. Xubnahaas mucaaradka waxaa ka mid ah Aadan Rooble Cawaale oo ka tirsan mucaaradka waaweyn ee dalk Djibouti, waxaana uu BBC uga warramay sidii wax u dhaceen.

Waxaa uu dowladda ku eedeeyay inay xoog kala hortagtay muddaharaad si nabadgelyo ah ku socday, ayna mas'uul ka tahay wixii dhimasho iyo dhaawac halkaas ka dhacay.

Dhegeyso waraysi dheer oo arrimahaas uu kaga hadlayo Aadan Rooble Cawaale.