Caasimadda Libaya ee Tripoli oo xiisaddo ka taagan yihiin

Lahaanshaha sawirka AFP

Rabshadaha ka dhanka dowladda Libya ayaa ku fiday caasimadda, Tripoli markii ugu horaysay.

Dadwayne isu soo baxay waddooyinka ayaa ku qaylinayay in la badallo xukuumadda.

Rasaas isdaba joog ah ayaa la maqlayay iyadoo gaaska dadka ka ilmaysiiya qiiq ka baxay oo daruuro oo kale ahna hawada isku shareeray magaalada oo dhan.

Dhowr dhisme oo ay ku jiraan saldhigyo booliis ayaa lagu soo waramayaa in dab la qabadsiiyay.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo halka uu jiro hogaamiyaha Libya, Colonel Gaddafi.

Hadda ka hor ayaa dibadbaxayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen magaalada Benghazi oo dibadbaxyo rabshado wataa ay ka socdeen dhowr maalmood.

Isbitaalada ayaa la ciirciiraya bukaan.

Dibadbaxyo ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen magaalooyinka Tobruk iyo al-Bayda.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Mid ka mid ah wiilashada uu dhalay hogaamiyaha Libya, Saif al-Islam a-Gaddafi ayaa telefishinka kala hadlay dadwaynaha, isagoo sheegay in dalka ay soo wajahday dhibaato qaran oo dhaqdhqaaq gooni u goosi doon ah uu qatar u galinayo dagaal sokeeye.

Saif Gaddafi ayaa ballanqaady wax uu ugu yeray barnaamijka qaran oo taariikhi ah oo ku saabsan dastuurka oo keeni kara in isbadala siyaasadeed oo muhiim ah lagu dhaqaaqo.

Wuxuu qiray in booliiska iyo ciidamada ay qalaadaad sameeyeen intii ay dadwayne caraysan wax ka qabanayeen balse tirada dhimashada ayuu ku tilmaamay in ay ka yar tahay tan meelaha kale laga shaacinayo.