Shabaab oo u hanjabtay Kenya

Shabaab militia
Image caption al_shabaab oo u hanjabaysa Kenya

Ururka Al Shabab ayaa ku eedeeyay xukuumadda Kenya in ay tababarto maleeshiyo Somaali ah, isla markaana ay gacan ku siiso in ay weerar ku soo qaadaan goobaha Al shabaab.

Shir Ja'raaid oo uu Ururka Al shabaab ku qabtay magaaladda Muqdishu ayaa afhayeenka Ururka Al shabaab Sh Cali Maxamuud Raage uu ku sheegay in dhadhaqaaqoodu uusan u dulqaadan doonin in Kenya ay xarumo tababar siiso maleeshooyin iyaga cadow u ah, waxuuna intaa ku daray in Xukuumadda Kenya ay mas'uul ka noqon doonto waxii cawaaqib ah oo tilaabadaa ka dhasha.

Mar sii horeysay xukuumadda Kenya, oo uu u hadlay wasiirka difaaca Yusuf Hagi, ayaa beeneysay in ay wax lug ah ku leedahay dagaaladda ka socoda Somaaliya, hase ahaatee ay jiraan dad dagaaladda ka soo baro kacay oo yimid dhanka Kenya, isla markaana ay waxyeelo ka soo gaarta dad reer Kenya ah oo ku nool magaalada Mandheera.

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Tamarta ee Kenya, Maxamud Maxamed Maalim ayaa BBCda u sheegay in ay jiraan dagaalyahano weerar ka qaaday magaaladda Mandheera oo ay tahay in arrintaa xukuumadda Kenya ay wax ka qabato, maadaama dadka deegaanku aysan arrintaa raali ka aheyn.