Booliiska Kenya oo soo bandhigay dad laga shakisan yahay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Taliyaha ciidanka booliiska Kenya Mathew Iteere

Booliiska Kenya ayaa shaaciyey magacyadda iyo sawirrada 9 qof oo ay aaminsanyihiin in ay wadaan qorsho fal argigixiso oo ka dhan ah Kenya.

Booliiska Kenya ayaa horay u sheegay in ay ka shakinayaan in si sahlan loo adeegsan karo dadka aan Soomalida aheyn ee islaamka ku soo biiray ee aan inta badan laga shakineynin.

Ragga ay magacyadooda iyo sawiradooda boolisku shaaciyeen, dhamaantood waa dad u dhashay Kenya, balse dhowaan ku soo biiray diinta islaamka

Waxay qarkood weli wataan magacyaddii loo bixiyey markii ay dhasheen, ka hor inta aanay islaamin.

Booliiska ayaa aaminsan in raggan uu xirir dhow kala dhaxeeyo kooxda shabaab ee Somalia

Waxay sidoo kale sheegayaan in kooxda shabaab ay tababar u fidhisay raggan loona tababaray in ay falal argixiso ka fuliyaan kenya, gaar ahaan caasimad Nairobi

Waxayna intaas ku daraan in tabarka ay ku soo qaateen Somalia oo waqtiyo kala duwan ay raggan u safreen halkaasi

Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Charles Owino ayaa sheegay in boolsiku ay ku guul darayssteen howgal ay dhowaan fuliyeen oo ay ku doonayeen in ay ku qabtaan raggan

waana sababta buu yiri ku qaaday boolisku in ay shacabka u soo bandhigaan magacyadda iyo sawiradda raggan, si buu yiri ay boolisku taageero uga helaan shacabka

Mid ka mid ah raggan oo la yiraahdo Eric Ochayo Ogada oo 25 jir ayey boolisku sheegayaan in uu u basaasayey alshabaab, waxa uu kunool yahay xaafad ka mid ah xaafadaha Nairobi waxayna sheegayaan in uu ku biiray shabaab 2008-dii...

Liiska 9-ka qof lagu xusay waxa sidoo kale wehliyey magacyadda 2 qof oo iyagu lagu toogtay Nairobi disembartii hore, oo ay boolisku sheegayaan in ay doonayeen in ay qarax ka fuliyaan Nairobi.

Sirdoonka Kenya ayaa aaminsan in ay sahlan tahay in loo adeegsado inay fuliyaan weerar dadka aan Soomalida aheyn ee aanan laga shakineynin

Waxayna tusaale u soo qaadanayaan weerarakii ka dhacay Kampala sannadii hore oo dhamaan dadka weerarkaas lala xiriiriy ay ahayeen dad aan Soomali ahayn.

Sidoo kale qaraxii ka dhacay bishii disembar bas kuwa rakaabka qaada ah oo u socday Uganda kan baxayey Nairobi ayaa qof keliya ee ku dhintay waxay boolisku ku sheegeen in uu ahaa nin u dhashay dalka Congo oo isugu qaraxaasi siday.